28.7 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Wararkii ugu dambeeyey muranka ka taagan qorshe ganacsade caan ah loogu gacan gelinayo JABUUTI

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Mas’uuliyiin katirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid iyo xildhibaano kamid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa dowlada Jabuuti & xukuumada Biixi si adag ugu dhaliilay inay ku howlayihiin in ganacsade reer Somaliland ah la wax-yeeleyo.

Mas’uuliyiintan ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay difaacan sharaftooda iyo hantida ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Xoghayaha Arrimaha gudaha xisbiga Ucid Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa ugu horayntii waxa uu yiri: “Amuur halis ku ah ama mu’aamaraad loo soo maleegay dalkeena oo la doonayo in bulshada reer Somaliland layskaga horkeeno iyo in la shaki galiyo maalgashadayaasha Somaliland, waxaanu u aragnaa markaanu ka tashanay Ucid oo ana u hadlaayo arinkan foolxumada badan oo lagu weeraraayo maalgashadayaasha dalkan ama muwaadiniintiisa oo ka imanaaya cadawyada koowaad ee dalkan leeyahay,dalalbadan oo aan jaar nahay ma dunida ku nool ayaan ogolayn gooni isku taaga JSL, waxaan xukuumada ugu baaqaynaa inay talaabo degdeg ah ka qaado cid kasta oo arintaas ku lug lahayd.”

Waxa uu intaas kusii daray Ramaax “Waxaan soo qaadanayaa maahmaahadii Maxamed Xaaji ibraahim Cigaal uu Jabuuti ku yidhi takartii maroodiga dul fuushanayd ee ku tidhi waan duulayaaye is adkee, maroodigii waxa uu ugu jawaabay kumaba ogayn inaad idul saarantahay, mu’aamaraadka laga soo maleegayo Jabuuti ee la rabo in lagu khalkhal galiyo xukuumada Somaliland iyo muwaadiniinteeda socon mayso, kiiska loo haysto ee maalmahan aad maqlayseen ee ganacsadahaas weyn ee dalka meheradaha ku leh ee maalgalinta badan dalka ku leh ee muwaadinka ah waxaanu u aragnaa inuu qalad yahay.”

Dhinaca kale, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, oo kamida xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa isaguna arintan ka hadlay, waxa uu yiri “Muwaadinkaas waa la soo dhacay waxa uu sheeganayaa 128 milyan oo doolar isaga oo ooyaaya ayuu halkan yimi intii yarayd ee uu la soo qaxay ayuu warshadaas ku sameeyay, 2500 qof ayaa ka shaqeeya waxaanu leenay haduu joogo Muqdisho ayaad soo qaban lahayde Hargeysa hadduu joogo qof u iman kara ma jiro waxaanu leenay Jabuuti waxii aad noo gaysateen waxba hanoogu darina.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa sidoo kale, isagna si adag ganafka ugu dhuftay arrinkan, waxa uu yiri: “Arinka taagan ee ku socda muwaadinka reer Somaliland ee Axmed Cismaan Geele ay socoto sidii Jabuuti loogu gudbin lahaa arintaasina wax ay Somaliland aqbalayso maaha, jabuutina nama dhex yaalo xeer aanu isugu gudbino muwaadiniinta ama lagaga ganacsado, waa danbi waana fal weyn oo laga galay umadda Somaliland cidii arintaas ku kacdaana iyada ayaa og halka ay galayso. Umadda reer Somaliland waxaan leeyahay muwaadinkaas shaqo abuurka badan u sameeyay umadeena ee shirkada kaliyaata ee caalamiga ah ee aduunka laga yaqaano eenay dalka in maanta loo soo dhawaadaa ihaanad idinka laydunku sameeyay.”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News