Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa xalay gurigiiisa oo ku yaalla deegaanka ceelasha Biyaha waxay kala baxeen Nabadoon Cabdullaahi Xasan Abuukar (Cabdullaahi Dheere) oo mar soo noqday Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye.
Qof ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in xalay Saqdii Dhexe ay Hoyga Nabadoonka oo ku yaalla agagaarka Xaafada Shareeco ee deegaanka Ceelasha Biyaha ay tageen ciidamo wata Gaadiidka dagaalka, kana kaxeysteen Nabadoonka.
Waxaa kaloo uu sheegay in gurigiisa iyo Guryaha kale ee ku dhow dhow ay ciidamada baaritaano ku sameeyeen, hase yeeshee weli aan la ogeyn sababta ay ciidamada Nabadoonka u wateen iyo halka ay la’aadeen.
Nabadoon Cabdullaahi Dheere oo mar soo noqday Ahayeenka Odayaasha Dhaqanka Muqdisho ayaa hadda ka hor waxaa xiray isaga iyo Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Diiriye Ciidamada Itoobiya ee joogay Muqdisho, wallow markii dambe ay soo daayeen.
Laamaha Ammaanka Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin howlgalka Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay xalay Hoygiisa kala soo baxeen Nabadoon Cabdullaahi Dheere.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]