Dowladda Somalia hanoo badiso magacaabista macalimiinta dugsi qur’aan

Wexey aheyd magacaabis na soo marto middi ugu fiicneyd, ka dib markey dowladda Farmaajo u magacawdey Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Macalin dugi quraan fadhiya oo 65 ardey quraan barayo, iyadoo aan loo eegin baasaboor ajnabi ma leeyahay iyo shahaado been ah oo dibbadda laga soo sameysto.

Shacabku waa garsoorayaal aan codkooda meel mar ahayn,  awoodna u lahayn in ay la kulmaan Madaxda dalka ugu sarreyso, marka laga reebo in yar oo fara ku tiris ah oo ku gadaaman, una gudbiyo danahooda iyo kuwo gaar ah.

Hadaba shacabku  wexey is weydiiyaan dhowr su’aalood oo kala ah:-

  1. Waxaan ognahay in dowladda ay ku gadaaman yihiin dad aan ogoleyn in loo gudbo Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaare Kheyre si loo siiyo talooyin saliim ah, dadkaas oo u badan laba baasaboorayaal aan waxba ka ogeyn xaaladda ka jirto magaalada iyo dhibka shacabka, Hadaba Sidee ayey ku ogaadeen taladan wanaagsan ee ah magacaabista Macalinka Quraanka oo isagoo dugsigiisa fadhiyo loo magacaabey xilkii uu ku habboon.
  2. Waxaa istaagey musuqii ka jirey maxkamadda gobolka Banaadir, balse baalashii uu ku duuli lahaa gudoomiyaha weli wey qoyan_yihiin, sida Degmooyinka Gobolka iyo dhammaan maxkamadahaba aan iraahdo, Sidaa daraadeed Dowladdu inta dhiman ma u magacaabi doontaa dad ehel u ah diinta islaamka.

Haddaan nahay shacabka gobolka banaadir, waxaan ka soo dheregney caddaalad darro fara badan, sidaa daraadeed waxaan talo ku soo jeedineynaa in dhammaan garsoorka laga dhigo dad  ehel u ah Diinta Islaamka, kuna saleysaan magacaabistii Macalinka Dugsiga Quraanka.

Waxaa Qorey: Abdulahi Said Elmi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid