Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax dhawaqiisa laga maqlay degmooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka wadada aada dhanka Bakaaraha sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa nooca dhajiska ah ee lagu xiro Gawaarida raaxadda ah. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga uu lahaa qof shacab ah.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lagu xiray uu lahaa xildhibaan hore oo magaciisa lagu koobay C/waaxid.
Ruuxa lahaa gaariga ayaa la sheegay inuu ku jiray masaajid ku dhow goobta qaraxa uu ka dhacay.
Hal ruux oo shacab ah oo marayay meel ku dhow gaariga qarxay ayaa la sheegay in dhaawac uu soo gaaray, waxaana goobta qaaray ciidamada amaanka.
Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]