Guure oo xilka laga qaaday kadib warkii bedelaadda R/W Xasan Cali Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure.

Sidoo kale Wasiirka ayaa maareeyaha cusub ee golaha martida iyo wacyi galinta qaranka u magacaabey Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ka mid ahaa wariyeyaasha warbaahinta dowladda.

Xil ka qaadista Guure ayaa timid saacado un kadib markii idaacadda Kulmiye oo leeyahay ay baahisay war aan sax ahayn oo ku saabsan in madaxweyen Farmaajo uu aqbalay inuu beddelo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Warkaas ayaa waxaa beeniyey xafiisyada madaxweeynaha iyo ra’iisul wasaaraha, balse idaacadda Kulmiye waxay sheegtay inay ka xigatay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia.

Caasimada Online ayaa ogaatay in warkan ay Kulmiye siiyeen xubno ku kacsan ra’iisul wasaaraha oo ku beel ah madaxweynaha, islamarkaana idaacadda Kulmiye lagu qalday, ayada oo laga lahaa ujeedo lagu abuurayo qal-qal siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com