Basaas Imaaraadka Carabta u dhashay oo isku dhex dilay xabsi ku yaalla Turkiga

Ankara (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inuu xabsiga isku dilay basaas u dhashay dalka Imaaraadka Carabta oo dhowaan dalkaas lagu qabtay.

Ninkan iyo nin kale oo lala qabtay ayaa sidoo kale looga shakisnaa inay ku lug lahaayeen dilkii Wariye Jamaal oo u dhashay dalka Sacuudiga, kaasoo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay baarayaan sida uu ninkan u awooday inuu is-dilo, maadaama lagu hayey xabsi gooni ah oo cidna aysan la wadaagin.

Waxaa la tuhmayaa inuu adeegsaday dharkiisa, gaar ahaan dharka jiifka si uu isku dilo.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in ninkan xabsiga ay ku dileen dad laga yaabo inaysan dooneyn inuu sir bixiyo maadaama la qabtay.

Dhawaan ayey aheyd markii Turkiga uu sheegay inuu Imaaratka Carabta kala shaqeynayo sidii macluumaad looga heli lahaa dadka u dhashay Imaaraatka ee magengelyada siyaasadeed ku joogo Turkiga.

Kaashuqji ayaa la dilay sannadkii lasoo dhaafay markii Sucuudiga uu koox u diray Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in ragga dilay weriyaha ay xiriir dhaw la lahaayeen dalka Imaaraatka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com