Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo shaac baxday warqad habeen hore ka soo baxday maamulka gobolka Nugaal oo lagu mamnuucay in la qabto wax shirar iyo kulamo ah oo aysan ka war-hayn maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga midkoodna.
Warqaddan ayaa la qeybiyay fiidnimadii xalay kadib markii dowladda Puntland joojisay kulan siyaasadaysan oo uu ka qeyb gali lahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulanka oo lagu qaban lahaa Hotel Grand ee magaalada Garoowe loogana hadli lahaa hanaanka doorashada Soomaaliya ee 2021, ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’ada fadhigeedu yahay magaalada Garoowe, oo lagu magacaabo Center for Policy Alternatives.
Hoos ka aqriso warqadda


