26 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Wiilkii calanka Somalia ku labisnaa oo la hor geeyay maxkamadda Hargeysa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in saaka Cabdiraxmaan Aar la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex.

Cabdiraxmaan Aar ayaa Ciidamada Somaliland 14-kii bishan May kasoo qabteen bartanka magaalada Hargeysa, isagoo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah.

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka markii la hor-geeyay C/raxmaan Aar, waxay dhageystay eedihii loo haystay, iyadoona dib ugu jartay 7-cisho oo rumaan ah.

Cabdiraxmaan Aar ayaa waxa la filayaa in dib Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex loogu soo celiyo mudadaas todobaadka ah markuu soo dhameysto.

Wiilkan loo haysto in uu ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah ee saaka Maxkamada la hor-geeyay, ayaa wuxuu ahaa Guddoomiye urur dhalinyarada ka wacyi-geliya dhibaatada qabyaalada oo lagu magacaabo “Ururka qabyaalad-diidka”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News