Maxaa kasoo baxay kulankii xasaasiga ee Somaliland ay yeelatay dagaalka Puntland?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Shirkii golaha wasiirradda Somaliland, ayaa maanta waxa lagaga hadlay xaalada nabad-galyo daro ee kasoo cusboonatay deegaanada Gobolka Sanaag, iyadoona baaq nabadeedna loogu direy Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland oo lagu faah-faahinayey kulankaasi, ayaa wuxuu u dhignaa sidan:

Kal-fadhigii 35-aad ee golaha wasiirradda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/05/2019, warbixin lagaga dhegeystay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Sidoo Kalena Waxay Goluhu Baaq Nabadgelyo U Direen Maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa golaha wuxuu u soo bandhigay tallaabooyinka horumarineed ee ay qaadeen, isagoo ku dheeraaday dhismayaasha iyo dayactirka waddooyinka.

Sidoo kalena wuxuu wasiirku sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha ay u dejiyeen taxadirka gaadiidka kuwaas oo lagula soconayo badqabka gaadiidka, xadidaaada xawaaraha, culayska gaadiidka iyo qalabka GPRS ee gaadiidka dawladda.

Isagoo xusay inay casriyeeyeen liisanka wadida gaadiidka qaadashadiisana la adkeeyey iyadoo loo marayo imtixaan adag si looga hortago shilalka khasaaraha naf iyo maalba leh ee ku soo noq-noqday.

Ugu dambeyntii xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa ahmiyada weyn ee nabadgelyadu leedahay waxa ka go’an in nabad waarta iyo xasilooni ay ku naaloodaan dalalka geeska afrika, lana dhawro deris wanaaga, balse ay maamul goboleedka Puntland nabadgelyo daro ka wadaan meelo ka mida gudaha Somaliland.

Haddaba sidii uu hore Madaxweynaha Somaliland, munaasibadii sannad guuradda 28aad ee badax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May ku cadeeyey inay nabad buuxda diyaar ula yihiin, marnabana aanay duulaan ku ahayn maamul goboleedka Puntland.

Waxay mar kale dawladda Somaliland ku celinaysaa in la ilaaliyo nabadgelyada lagana fogaado colaad ka soo cusboonaata halkaas, waxaanan ugu baaqaynaa maamulka Puntland inay ka waantoobaan daan-daansiga, xilna iska saaraan xoojinta nabada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com