DF oo ku dhowaaqday go’aan ka dhan ah Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib go’aanadii kala duwanaa ee kasoo baxayay maalmahaan dowladda Kenya, ayaa hadda waxaa muuqata in xaaladda ay cirka isku sii shareertay, iyadoo xogo la helayo ay xaqiijinayaan in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan cusub oo ka dhan ah Nairobi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan ah in shirarkii kala duwanaa ee looga hadlayay arimaha Soomaaliya laga wareejiyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ilo Xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in shirarkaasi loo wareejiyo magaalooyinka Kampala, Kigali iyo Addis Ababa, waxaana go’aankaasi uu yahay mid hadduu dhaqan galo saameyntiisa leh.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in go’aankaasi ay isku raaceen golaha wasiirada xukuumadda Soomaalya kadib kulankii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana wasaarad walbaa laga doonayaa inay amarkaasi ku wargelisaa hay’adaha ay bah wadaagta yihiin.

Seddexdaasi magaalo ayaa loo sheegay wasiirada inay ku wargeliyaan hay’adaha ay la shaqeeyaan inay u wareegaan oo ay ka wareegtaan magaalada Nairobi oo saldhig u ah hay’ado badan oo arrimaha Soomaaliya ka shaqeeya.

Midowga Yurub ayaa ka carooday talaabada dowladda Kenya ku xanibtay xubno ka socday dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gali lahaa shir ka dhacayay magaalada Nairobi, waxaana la ogeyn saameynta go’aanka cusub ee dowladda Soomaaliya uu yeelan doono.

Xiisada u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka dambeysay kadib markii Kenya go’aano isdaba joog ah ka qaadatay arimo Soomaaliya saameynaya, waxaana ay dooneysaa inay cadaadis ku saarto dowladda Soomaaliya oo muuqata inay ku guuleysan rabto dacwada dhanka badda ee taala maxkamadda ICJ.

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
Caasimada@live.com