Sidee ayuu 6 kontarool ku soo dhaafay gaarigii shalay ku qarxay Godka Jilacow?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah qaraxyadii ugu xanuunka badanaa ee waayahaan dembe ka dhaca gobalka Banaadir, ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana ku dhintay ku dhawaad 20 ruux oo isugu jira ciidan, saraakiil, mas’uuliyiin kale iyo dad shacab ah.

Waxa uu uur-kutaalo xanuun badan ku reebay qoysas badan oo ku waayay xubno muhiim u ahaa ku sii dhax-jirka nolashooda inkastoo waqtiga dhamaaday.

Qaraxa ayaa dhacay iyadoo magaalada Muqdisho aysan jirin meel lagu dhaqaaqi karo oo ay meel kasta xirtay dowladda Soomaaliya. Waxa uu ka soo gudbay ugu yaraan 6 kontarool oo ay fariistaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya waana sababta keentay tuhunka badan.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ka soo gubay wadooyinka xiran waxa uuna ka yimid dhinaca Jubba sida ay Caasimada Online u sheegeyn dad goob joogayaal ahaa.

Waxa uu ka soo gudbay rugaha kala ah:-

  1. Ciidamada fadhiya Isgoyska Sanca
  2. Ciidamada fadhiya isgoyska Maana-boolyo agagaarka Iskuul Muqdisho
  3. Ciidamada fadhiya ka soo horjeedka Wasaaradda amniga
  4. Ciidamada Booliiska ee canshuurta qaada oo gaadiidka oo dhan celiya ee fariista meel u dhaw taalada Daljirka Daahsoon, wadada ku toosan Bangiga dhexe.
  5. Ciidamada daggan, dagaan-digga Isgoyska Boondheere, waa hadii uu soo maray dhinaca Boondheere.
  6. Ciidamada fadhiya darbiga Taalada Daljirka Daahsoon kuwaas oo ku toosan jid cadde ka yimaada meel ku aadan Isgoyska Jubba kuna soo dhaca Taalada Daljirka, (Dhabarka Dambe ee Iskuulka Sheekh Yuusuf Alkownayn iyo dhabarka dambe ee Wasaaradda Boostada).

Xagee ayuu soo maray gaarigaan? Yaa u fududeeyay in uu soo gaaro Godka Jilacow? Maxay qabanayeen Ciidamada aan soo sheegnay ee ku sugnaa goobihii uu ka soo gudbay? Hadii aysan Ciidamada indhahooda qaban kuwa qaraxa wada, maxaa loo dhibayaa dadka shacabka ah? Waa su’aalaha ay qabaan shacabka magaalada Muqdisho.

Ma jirto ilaa hadda cid faah faahin karta sababta uu gaarigaan u soo dhaafay dhamaan rugaha aan soo sheegnay mana jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen hey’adaha amaanka.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa qaba dhibaabtooyin badan oo ay kala kulmayaan wadooyinka xiran qaraxyadana ay toos u gaarayaan bar-tilmaamoodkooda waxayna arimahaan abuureen Shaki laga qabo hey’adaha amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com