Somalia marna gorgortan kama galeyso dhulka, badda iyo hawada ay leedahay

Dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba gudaha iyo dibeddaba waxaad ogaataan Kenya ma ahan cidda ay la dagaalameyso Hoggaanka Dalka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre, waxaay la dagaalameyso, duulaanna ku tahay waa dhulka Soomaaliyeed.

Waxaan in badan soo aragnay, welina arkeynaa kuwo dadka Soomaaliyeed si xun wax ugu fasira iyagoo oranaya Kenya waxaay u jeeddaa Madaxweyne Farmaajo!

Taas waa Feker sadiif ah, Aadna u liita, waayo waxaa la isku haystaa waa dhaxalkii iyo Hantidii ummadda Soomaaliyeed, Mustaqbalkii Jiilasha Soomaaliyeed kuwa jooga iyo kuwa soo socda.

Bal haddii aan soo qaadanno Soomaaliya iyo Kenya maxaay isku hayaan, yaa gardaran? Kuwa Kenya u hiilinanaya ee sheeganaya iney yihiin Siyaasiin, kuwo hadda Xil haya, kuwo horey xil u soo qabtay sheeganaya iney Soomaali yihiin maxaay ka mudan yihiin ummadda Soomaaliyeed?

Kenya waxaay si cad oo bareedh ah ama bareer ah u sheegatay iney leedahay qayb ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana u fududeeyey shaqsiyaad Markaas xilal sare ka hayey dowladdii Soomaaliya ee Markaas jirtey.

Markii Soomaaliya ay dacwaaddii u gudbisey Maxkanadda Caddaakadda Caalamiga ah, Kenya waa waalatay waana Miyir Beesha waxaayna Soomaaliya ula soo baxday Dhaqanno xun kana fog Diplomacy – yadda iyo Qawaaniinta Caalamiga ah, hab dhaqankaas xun oo u muuqda waxa la yiraahdo ” JUNGLE LAW” waxyaabo aad looga yaqyaqsado in dowlad sidaa u dhaqanto waayo waxaa idinkugu filan markii ay Safiirkeeda inta u yeeratay, islamarkaana Safiirkii Soomaaliya inta cayrisey tiri waxaan u dirnay inuu la tashi u aado waddankiisa! Waa Waxyaabaha ugubka ku ah Qawaaniinta Caalamiga iyo Diplomacy – yadda, waxaayna noqon doontaa Arrin Taariikhda Diplomacy gasha oo laga dhigo Jaamacadaha!

Kenya kuma ekaan badda soomaaliya, waxaad duulaan ku soo qaaday dhulka Berriga ah ee Soomaaliya, iyadoo Derbi ka dhisaneysa gudaha Soomaaliya inta xaduud beenaadkii Gumeysigu sameeyey soo dhaaftay gudaha u soo gashay Soomaaliya.

Kenya waxaay la guuxeysaa iney Dhul iyo badda soomaaliya kuna yaalla Meesha ay ka arrimiyaan Maamulka ay Kenya ka sameysatay Kismaayo.

Kenya waxaay u oggolaatay dad wax ma garato ah oo siyaasiin sheegta iney ku qabsadaan shirar Nairobi, shirarkaas oo loogu talagalay iney dowladda Soomaaliya wax qabadjeeda daciifiyaan iyadoo Kenya ka dhigatay hubkii ay soomaaliya kula dagaalami laheyd.

Kenya waxaay ka duuleysaa Maahmaahdii aheyd LAFO MAROODI IYAGAA LA ISKU JEBIYAA!

Soomaaliya xaq bay u leedahay iney dacwad ka furato IJC( Maxkanadda Caddaaladda Caalamiga ah).

Caqliga Kenya Waa baad iyadoo ka faa’iideysaneysa dhibaatada uu u keenay Soomaaliya, islamarkaana ay sameysatay dad wax magarato ah oo iyada danaheeda u adeega.
Soomaalidu waxaay tiraahdaa Sac Ninkii lahaa Sayneynta kaga taagan yahay Ma KACO.

Kenya iney Soomaaliya u aragto meel ay iska maamulan karto oo aan laheyn Maamulan kara waxaa tusaale kugu filan.

Shirkii Warlords kii Soomaalida loogu qabtay Waddanka Kenya ee loogu magac daray Dib u Heshiisiinta dadkii Soomaalida ahaa ee ka qayb galeyna la oran karey lameentii Soomaaliya waayo waxaa shirka ku jirey ma aheyn Warlords kaliya ee waxaa qayb ka ahaa soomaali badan sida Aqoon yahanno, ururada Bulshada +Warlords intaas oo la isku daray wuxuu shirkaas socday LABA SANO IYO Bolilo!

Waxaay aheyd waxaan Adduunka ka dhicin in dad la leeyahay dib u Heshiisiin baa loo sameynayaa in waqti intaas le’eg oo aan loo kala kiciin bal adigu qiyaas Ninkii ku maamulayey waqtiga intaa dhan muxuu kugu qaymeynayaa?

Wuxuu isku arki karaa inuu yahay mid ku leh, islamarkaana aan laheyn Maskax iyo Aqoon uu isku maamulo, waddankuna yahay mid BAYLAH AH ( No Man Land).

Kenya iyo waddamo badan waxaay qaadan la’yihiin, Maskaxdoodana Geli la’a, waddankaan waqti intaas le’eg dhinac kasta laga burburiyey si kastaba loo dulleystay.

Inuu jiri karo kana soo dhexbixi karo Soomaali oranaya Soomaaliya Soomaali baa iska leh, annaga ayey ayey Talada waddanka naga naga Go’daa, cid kale nooma yeerineyso, Aayaha waddanka Soomaaliya waxaay ka Go’daa Soomaali.

Madaxweyne Farmaajo maalintii Caleemo saarkiisa hadal waddamo badan iyo Soomaaliga Liita ay aad u dhibsadeen baa wuxuu ahaa sidaan ” waddamada deriska nala ah waxaa naga dhexeeya Ixtiraam, Arrimahooda Gudaha Faragelin mayno, Annaguna waxaan ka Rajeynaynaa Sidaas oo Kale”

Hadal kaas wuxuu waddamo badan ku noqday wax aad u xanuun badan waayo inuu soomaaliya xaaladda ay ku jirtey ka soo dhex baxo Hoggaamiye noocaas ah kuma aysan fekerayn marnaba weliba waqti dhow, kuma aysan Fekerin in Dadka Soomaaliyeed waqti dheer ku soo jireen dhibaato Iyo dullinimo xadkii ka baxday, islamarkaana dadka Soomaaliyeed u baahdeen ISBEDEL.

Soomaaliyey Haddii ay Maskaxda idin kaga jirto Kenya iyo kuwo kale oo aan dooneyn in Soomaaliya yeelato Dowlad matasha ummadda Soomaaliyeed. Waxaay u jeedaan Madaxweyne Farmaajo Walaahi waxaad ku nooshihiin Riyo Been ah.

Waxaad maqashiin kuwo soomaaliya ka soo noqday oo Media la taagan Dowlad xoog leh waan soo Aragnay uma baahnin! Qofka sidaa ku fekeraya yuu u shaqaynayaa waa Kenya, waayo adigoon meel kale aadin Soomaaliya waxaa Deris la ah Kenya, Ethiopia iyo Jibouti, Seddexdaas Waddan haba kala System Duwanaadeen, laakiin waxaa ka jira dowlado xoog leh.

Marka Soomaaliya siyaasiga sheeganaya islamarkaana oranaya Soomaaliya uma baahna Dowlad Xoog leh, waxaa mudan in la isweydiiyo yuu u shaqaynayaa, ma Aqoontiisaa heerkaas aan dhaafsiisneyn.

Soow lama oran karo wuxuu Afhayeen u yahay hadalkii Madaxweynihii hore Kenya yiri Kenya iyo Ethiopia ma doonayaan iney Soomaaliya ka dhalato Dowlad Xoog leh!

Soomaali Maryooleeyna iyaga oo sheeganaya iney yihiin siyaasiin waxaa loo soo dhiibey feker ah Soomaaliya uma baahna dowlad Xoog leh.

W/Q: Dr Dahir Nur Jama ( Dr Trueman)
jaadaa28@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid