25.5 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Saxafiyiin ku kulmay Muqdisho iyo warsaxaafadeed la soo saaray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kulanka maanta oo ahaa mid ay yeesheen saxafiyiinta magaalada Muqdisho ayaa waxa ka qeyb galay qaar ka mid ah agaasimayaasha Idaacadaha Muqdisho,milkiilayaal iyo wariyaal ka howlgalo magaalada Muqdisho.

Waxaa kulanka soo qaban qaabiyay masuuliyiinta ururka saxafiyiinta qaranka ee NOSOJ,waxaana looga hadlayay tacadiyada ay la kulmaan wariyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan wariyaasha kaga howlgala magaalada Muqdisho.

Dhamaan saxafiyiinta ka howlgashay kulanka ka dhacay maanta magaalada Muqdisho ayaa waxa is dhaafsanayeen waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu yareyn dhibaateynta wariyaasha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kulanka maanta ayaa waxaa looga hadlayay xarigii loo geystay wariye Cabdi casiis Koronto oo muddo badan u xeran ciidamada dowlada Soomaaliya,iyadoo maalintii shalay loo wareejiyay xabsiga dhexe ee Xamar.

Ugu dambeyn Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa aqriyay warsaxaafadeed kasoo baxay kulankoodii maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News