SOMALILAND oo lagu tilmaamay mucjiso ku dhex taal badweyn dhib badan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Rory Stewart oo ah Xoghayaha arrimaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska, ayaa Somaliland ku tilmaamay mucjiso ku dhex taala badweyn dhibaato badan.

Stewart ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladoodu ay taageeri doonto doorashooyinka kusoo fooda leh Somaliland.

Rory Stewart ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Wada-hadalada hakad-ku ku yimid ee Soomaaliya iyo Somaliland, isagoona ka jawaabay su’aalo ay weydiiyen xildhibaano u ololeeya qadiyada gooni goosadka Somaliland.

“Marka hore aan uga mahad-celiyo APPG shaqada ay ka hayso Somaliland. Sida ay dhamaan xubnaha Golaha ka tirsani og-yihiin, Somaliland waa guul cajiib ah. Soomaaliya lafteedu waxaay soo martay xaalad aad u adag, Somaliland na waa mucjiso yar oo ku dhex taal bad dhib badan” ayuu yiri xildhibaan Stewart.

Wuxuuna intaas kusii daray “Si dhow ayaanu Somaliland ugala shaqaynay doorashadii madaxwaynenimo ee u danbaysay, waanu taageeri doonaa doorashada baarlamaanka cusub. Booqashadii u danbaysay ee aan ku tegay Somaliland, waxan nasiib u helay inaan la kulmo mudanaha hadda ah madaxwaynaha”.

“Waxa jira wax badan oo aanu qaban karo. Waxayna ii noqon doonta farxad hadaan la fadhiisto mudanaha si aan ugala hadlo arimahaas”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com