Daawo: Ehellada Cabdi Cali Seed oo shaaciyey in wiilkooda ay dileen saraakiil kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada Marxuum Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ku dhex geeriyooday xerada taliska ciidanka daraawiishta ee sheelare jimcihii lasoo dhaafay kaas oo geeridiisa warar kala duwan ay horay uga soo baxeen ayaa waxa ay sheegeen in sargaalka ay shirqooleen saraakiil kale sidaasina lagu dilay.

Waxa ay sheegeen in ay dileen taliyeyaal ay magacyadooda shaaciyeen kuwaas oo markii ugu war dambeysay ay iyaga u yeereen balse waxii markaasi ka dambeeyayna warka ay maqleen uu ahaa geeridiisa.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in sargaalka geeriyooday uu horay u sheegay in ay dili rabaan taliyaha ciidanka daraawiishta iyo kan xerada darawiishta ee meydkiiska lagu dhex arkay.

Waxa ay sheegeen in baaritaan dhab ah aanan lagu sameeynin falkaasi madaama ay tilmaameen in aanan la xirin askartii heeganka ku qorneyd xiligii la dilaayay sargaalka.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqeen in falkaan si caddaalad ah baaritaan loogu sameeyo .

Daawo Shir jaraa’id oo ay Xamar ku qabteen