Maxamed Sadiiq Dhame oo maalintii 40-aad xabsi ku jira

Hargeysa (Caasimada Online) ― Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta xasbiga weyn ee magaalada Hargeysa ku booqada Guddoomiyihii dhalinyarada ee Waddani, Maxamed Sadiiq Dhame iyo Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Mas’uuliyiintan oo kala ahaa Xoghayaha Guud ee xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha garabka dhalinyarada Aftax Jaambiir iyo Xoghayaha duulista Nuuradiin Diini, ayaa dhamaantood waxay xariga Dhame iyo Coldoon ku tilmaamen sharci daro.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, Khadar Xuseen oo warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay nasiib xumo tahay in Somaliland uu xarigu ka noqday wax fudud, wuxuuna yiri

“Waxaa ayaan daro ah in Maxamed Sadiiq Dhame oo ah gudoomiyihii dhalinyarada ee Xisbiga Waddani uu uxidhan yahay arin siyaasi ah muddo gaadhaysa afartan maalmood, afartankaa maalmoodna ilaa hada maxkamad lama keenin, waana ayaan darooyinka waddankeena ka taagan in xadhigii iska fududaaday”.

“Waxaa meesha ku xiran dad badan inta la arkaayo ee muuqatana waxaa ka badan intaan loo hadlayn ee iyaguna sidaasi oo kale dulmiga ugu xidhan, dulmiguna meel ma fadhiisto ee ummadaha wuu burburiyaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa in aynaan isdulmin ayaa wanaagsan, xukuumadana waxaan usheegayaa in dariiqaa aynu haynaa in la yaqaan halka uu ku dambeeyo, Waxaasi oo dhamina waxay ina tusayaan sharci jabin badheedh ah oo indha la'”.

Ugu dambeyntiina waxa ay Mas’uuliyiintan xabsiga ku booqataya Guddoomiye Dhame iyo Wariye Coldoon uga mahad-celiyeen Ciidamada asluubta ee ilaalada ka ah xasbiga weyn ee Hargeysa, qaabka wanaagsan ee ay ula dhaqmaan maxaabiista ku xiran.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com