Maxamed Qanyare oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii KMG ee dalka.

Geerida ku timid Qanyare ayaa waxaa Wabaahinta u xaqiijiyay wiilkiisa Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiweli ayaa sheegay in Marxuumka muddooyinkii la soo dhaafay uu xanuunsanaa, islamarkaana uu ku jiray Isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Qanyare Afrax ayaa soo noqday Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka iyo wasiir amni oo uu ka soo noqday dowladdii KMG ee lagu soo dhisay Kenya.

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ee la dagaalamay Maxkamadihii Islaamiga.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa xilligaasi heystay dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com