Kenya ma afgobaadsigii McCarter ayey miciin biday?

Maxkamadda ICJ ayaa shaaca ka qaaday in kiiskii Soomaaliya iyo Kenya la qaadi doono inta u dhexeysa September 9 ilaa 13, 2019.

Wadahal xal doon ahaa oo fashilmay awgeed, Soomaaliya waxay August 28, 2014 horgeyso Maxkamada ICJ dacwad ka dhan ah Kenya, si go’aan kama dambeyn ah looga gaaro xuduud badeedka labada dal.

Feburay 2dii, 2017 Maxkamada ICJ waxay diiday marmarsiyadii hor u dhac ahayd ee dowladda Kenya, waxaana la faray inay warcelin (muduc) ka keento dacwada Soomaaliya.

Toddobaadkii dhawaa, wargeysyada Kenya waxay qoreen in Nairobi ay warqad u dirtay Golaha Ammanka ee QM. Wolow Xoghayaha Guud uu sheegay inuu si aan rasmi ahayn, u wargeliyay mus’uuliyiin ka tirsan xubnaha Golaha Ammaanka, haddana warkaas wuxuu ahaa dacaayad sidda – run qabya ah.

Wargeyska “The East African” ayaa sheegaya in Golaha Ammaanka uu la soo xiriiray Kenya, kadib markii Soomaaliya ay ka cabatay gardarada iyo hanjabaadaha wax u dhimmi kara xasillonidda gobolka (The East African – June 18, 2019).

Wargeyska “Daily Nation” ayaa sheegay, in dowladda Kenya ay ku dhaleeceysay dowladdaha Norway iyo Ingiriiska inay sii hurinayaan ismaandhaafka (Daily Nation – June 16, 2019). Intaas waxaa dheer, in Nairobi ay ka diday kulankii dhex maray Madaxweyne John Magufuli (Tanzania) iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo.

Sidoo Kale, Kenya waxay Iskaashiga Geeska Afrika u aragtaa inuu yahay gashaanbuursi “Kushitic” oo lid ku ah. Yuusuf Gaandi oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa yiri, “Inkastoo Kenya ay leedahay dadka ugu aqoonta badan gobolka, haddana waxaa muuqata inay ka luntay xasilloonidii maanka.”

Sideedaba, diblomaasiyadda haddii aan laga taxadarin sida shaxda (jar), ma sahlana in dhaxda laga qabto. “Ololaha dacaayada, waa hab Kenya ay guul darradeeda kaga samirsiineyso dadkeeda” ayuu yiri Burhan Roble oo khabiir ku ah cilmi nafsiga.

Shir talo wadaag ah oo lagu qabtay Nairobi, ayaa lagu talo bixiyey in dowladda Kenya ay bedesho falalkeeda gardarada ah, raadisana sidii ay u qaadi lahayd diblomaasiyad nabadeed (The East African – June 15, 2019).

Sida muuqata madaxtooyada Kenya waxaa hareereyay colaad ooge yaal. Senator Moses Masika Wetangula oo heli karay inuu si toos ah ula hadlo Uhuru Kenyatta, ayaa idaacada KTN ka bixiyay talo malaha uu marqaati kaga dhigayay dadweynaha Kenya, asagoo leh, “Waxaan kula talinayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu taleefoonka qaado wacana dhigiisa Soomaaliya,” (HIVISASA – Posts 1275).

Kenya waxay ismoogaysiineysaa in Soomaaliya ay u garba duuban tahay cunaqabateyn dhanka hubka ah ay saartay Qaramada Midowbay. “Cunaqabateenta ayaa ku waajibineysaa QM – Golihiisa Amniga in dalna uusan ku xadgudbin qaranimada Soomaaliya – cir, dhul, iyo badba,” ayuu yiri Cigaal.

Kenya waxay aamini la’dahay in waxa la dabaaqaya ay yihiin Soomaali. “Maankeeda waxaa ka bi’i la’ Soomaalidii kasha (laabta) ka jabaneed ee ku dagaalami jirtay afurka Mbagathi sidii digaaga,” ayuu yiri Yuusuf Gaandi.

Peter Kagwaanja oo ah madaxa Machadka Siyaasadda Afrika ayaa sheegay in “Halka ay Kenya kaga gudbisay [Golaha Ammaanka] warcelin dhan hal mug, Soomaaliya ay u dirtay dukumeenti dhan 10 mug oo midkiiba ka kooban 250 bog” (Daily Naton – June 16, 2019).

Kenya waxaa walbahaar ka hayaa waxa ka soo socdo maxkamadda ICJ. March 29, 1994 dowladda Cameroon ayaa dacwad ku oogtay dowladda Nigeria oo ku dhaqmi jirtay –caraatan iyo colaadin, sida Kenya. Maxkamadda ICJ waxay u xukuntay qadiyadii dalka Cameroon (October 10, 2003), kadib markii ay 13 garsoore isku raaceen qaraarkii.

Dhanka kale, safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Kenya – Danjire Kyle McCarter, waraysi uu siiyay muuq-baahiya Citizen (TV), ayaa sheegay inay doorbidi la’hayen in labada dal (Kenya iyo Soomaaliya) murankooda ku xaliyaan wadahadal, balse waxuu ka gaabsaday in [Maraykanku] uu dhexdhexaadinayo.

Haddaba, “AFGOBAADSIGAAS” waa mid aan xigasho lehayn, isla markaasna wax ka bedali karin mowqifka dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed, labo sababood awgeed: (1) Danjire McCarter waxuu ilaalinayay, xaq dhowrayay, ixtiraamayay mowqifka dowladda Kenya, maadaama uusan wax ka bedali karin dacwad hortaala maxkamada ICJ; iyo (2) Danjire McCarter waxuu maanka ku hayaa in dalkiisa “Maraykanka” horay u diideen go’aanka maxkamada ICJ ee kala dhexeeyay dalalka Mexico iyo Iran.

Haddii uu ka yiraahdo TV-ga si rasmi ah, waa inay Kenya ku kalsoonaato go’aanka maxkamada ICJ, waxaa imaanaysa in la weydiiyo haddaba, maxaad horay ugu diideen go’aanka maxkamada ICJ ee garta u xukuntay Mexico iyo Iran. Taas waxay ku ridi lahayd, asaga iyo dalkiisaba mowqif xaraj ah.

Taariikhda waxay sheegaysaa in Cameroon iyo Nigeria ay isku dhaceen dhowr jeer. Haddana, laba iyo tobban sanadood kadib, Nigeria waxaa khasab ku noqday in ay dhaqan geliso go’aankii maxkamadda (The guardian – February 16, 2014).

War iyo dhammaankii, Maxkamadda ICJ waa hay’adda garsoorka Qaramada Midoobay ee xallinta khilaafadka u dhexeeya dalalka. Sidaas darteed, warka laga sugayo Golaha Ammanka wuxuu u muuqdaa inuu noqon doono “Kenya ha ka dhursugto qaraarka maxkamadda,” taas oo ah mowqifka Soomaaliya. Nairobi waxay u baahan tahay inay garwaaqsato (fahamto), in Soomaaliya aysan taako dhulkeeda ah uga tegeyn.

Cabdulqadir Cariif Qaasim