Nin shaaca ka qaaday inuu isku qarxin doono wasiir ka tirsan xukuumadda…

Hargeysa (Caasimada Online) ― Nin kamid ah wadayaasha gaadiidka guddida abaaraha ee Somaliland iyo Nin kale oo wehlinayey ayaa cabasho balaadhan ka muujiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Labadan Nin oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa Wasiir Khaliil ku eedeyay inuu lunsaday qeyb kamid ah mushaarkoogii ay ku shaqeynayeen, iyagoona ku hanjabay inay isku qarxin doonaan gaariga Wasiirka.

Mid kamid ah labadan Nin oo ugu horeyntii la hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu yiri “Anagoo ah dilawariinta gaadiidka guddiga abaaraha, ayaa markii naloo dhiibay waxaanu u baxnay gobolada, anigu gobolka Saaxil baan ku qornaa, waxyaabo badan oo dhibaata wan la soo kulanay oo bilaa masaariif ah”

“Mushaarkeygii ahaa $350 ee islahaa guddigii abaaraha kula sugeysa oo waa halkey cadaaladu taalay ban islahaa, Wasiirkii wuxu yiri wey handaraaban-tahay, markuu sidaa nagu yiri ee nala joojinayey meel aan u marno weynay, waxanu ku sugnay ilaa Salaadii duhur masjid uu ku tukanayey, masaajidkiina wuu ka baxay”.

Wuxuuna intaas ku sii daray “Somaliland halkee cadaalad lagu arkaya waa halkii Diintu taalayba, Madaxweynaha u sheegeyna cadaalad darada nagaga dhacday Wasiirka diinta iyo awqaafta, saacada laga bilaabo in aan wax sameyno oo isku qarxinaba, in aan ku qarxino gaarigiisa oo ku dhufto iyo inuu waxeygii uu Wasiirku leeyahay hooya”.

Dhinaca kale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo aanu wax ka weydiinay eedahan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha ay labadan Nin u jeediyeen, isagoona ku eedeyay inay musuqeen gawaaridii ay u dhiibeen guddiga abaaraha Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa