Madaxii canshuuraha ee garoonka Aadan Cadde iyo xubno kale oo la xiray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in saldhigga Ciidamada Booliska ee Garoonka Diyaaradaha  Aadan Cadde lagu xiray Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik.

Mas’uuliyiinta  la xiray ayaa kala ah:

  1. Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik
  2. Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli
  3. Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan.
  4. Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdirisaaq

Wararka ayaa sheegayo inuu Mas’uuliyiintaan uu xiray taliye xigeenka Xarunta Dambi baarista ee CID Bishaar oo xayiraad kusoo rogay canshuuridda Qaadka kadib markii Booliska ay sheegeyn in wax la is daba mariyey.

Waxaa hadda gaaray Garoonka Aadan Wasiirka Maaliyadda Beyle iyo ku xigeenkiisa Qaloocow kuwaas oo halkaas u tagay inay ogaadaan sababta ay xubnahaan u xiran yihiin.

Sidoo kale Qaadkii imaan jiray gudaha Muqdisho ayaa saacado badan ku xayirnaa Garoonka Muqdisho, waxaana lasoo fasaxay xilli dambe oo galabta ah.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho