28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Taliyaasha Ciidamada DF oo tagaya Dhuusamareeb

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ku sii jeeda taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dowladdda federaalka Soomaaliya.

Taliyeyaasha ciidamada Milatariga, Booliska iyo Asluubta ayaa saacadaha soo socda gaari doona magaaladaasi.

Caasimada Online ayaa ogaatay inuu socdaalkooda la xariiro heshiiska Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa lagu wadaa in maanta Qalinka lagu duugo, islamarkaana la dhameystiro.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyeyaasha ciidamada ee ka socda dowladda federaalka ay la wareegi doonaan ciidamada Ahlu-Sunna si loo qareemeeyo.

Sidoo kale hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaa la wareegaya amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis ay horay u wada gaareen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan lagu qaban doonaa shirka dib u heshiisiinta Beelaha daga Galmudug iyo doorashada guud ee maamulkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News