Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay faro-gelinta DF iyo waxa dhacaya haddii la qaban waayo doorashada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysii dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wax laga waydiiyey xiriirka xun ee u dhaxeeyo Dowladda Dhexe Maamul Goboleedyada ayaa marka hore sheegay in wax xun aan la rajeen balse uu rajeenayo inay isku soo dhawadaan Dowladda iyo Maamulada isla markaasna ay wax kasta wanaag ku socdaan.

Xasan Shiikh ayaa qiray in xilligan uu kala shaki ka dhexeyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul gobaleedyada, waxaa uuna sheegay in taasina xiligan aan loo baahneen, islamarkaana xal waara laga gaaro cabashooyinka ka soo yeeraya Maamul gobaleedyada ka jira dalka.

Xasan Shiikh ayaa sheegay in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay Dowladda Dhexe oo laga rabo inay si wanaagsan ula dhaqanto Maamul Goboleedyada balse taas badalkeeda wuxuu sheegay inay dowladda ku heyso Maamulada faragelin iyo caburin joogto ah.

Wuxuu tilmaamay inaysan Dowladda Dhexe xaq u laheyn inay Shacabka iyo Maamulada ku qasbaan cid aysan rabin inay doortaan, isagoo sii raaciyey inay Dowladda si qaldan u isticmaaleyso awoodii Dowladda Dhexe.

Xasan oo wax laga waydiiyey inay Dowladda Dhexe waqti kororsi sameysaneyso iyo in kale ayaa sheegay inay waajib tahay in doorasho dalka ka dhacdo markii uu dhamaado waqtiga Dowladda haddii ay dhici weysana wuxuu sheegay inay qalad ku dhacday Dowladd taasina laga wada fadhiisan doono.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud yaa ka hadlay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Hirshabelle waxana uu ku tilmaamaywax laga xumaado dagaal beeleedyada ku soo laalaabtay deegaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ugu baaqay waxgaradka deegaanada Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud iyo labada maamulba inay ka qeyb qaataan daminta colaad beeleedyada ku soo laalaabtay deegaanada ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xasan Shiikh Maxamuud

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com