Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u dhaliilay hab dhaqanka dowlada Qatar ee Soomaaliya, isagoo safiirkeeda u jooga Soomaaliya Xasan Xamza ku tilmaamay inuu la mid noqday sida Jeneraal Gabrihii Itoobiya Somalia ku sugnaa.
Qoraal uu soo diray ayuu C/raxmaan C/shakuur ku weeraray dalka Qatar iyo madaxda dowaldda Somalia, isagoo yiri: “Markii aad aragto saraakiil ajnabi ah oo aan sidaa u wayneyn oo wasiirro iyo saraakiil ciidanka xoogga dalka kuwii ugu sarreeyay ay daba dudayaan, sow ma soo xusuusatid sida uu beri Jeneraal Gabre ahaan jiray. Dowladda Qatar waxay la soo baxday habdhaqankii hore ee Itoobiya, safiirkeeduna sidii Generaal Gabre oo kale ayaa saf dheer loogu jiraa”
Wuxuu is-weydiiyey: “Haddii Soomaalidu shalay dhibsatay sandulleyska saraakiisha Itoobiya, siyaasiyiintii saaxiibka la ahaana dabadhilif Itoobiya ku suntannay, maxaan Qatar uga aamusannahay”.
Isagoo isu jawaabaya ayaa haddana yiri: “Qatar ma waxaa looga aamusan yahay xoogaaga sandareertada ah ee xaggeeda ka yimaada.? Waxaan dawlada Qatar ugu baaqaynaa inay joojiso fara gelinta qaawan ee ay arrimaha Soomaaliya ku hayso”.
Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar
Xafiiska Muqdisho