26.4 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawirro: R/W Kheyre iyo beesha caalamka oo arrimo xasaasi ah ka wada hadlay

Bookmark
Bookmarked

Share

Duusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan xasaasi ah gudaha magaalada Dhuusamareeb kula qaatay safiirada dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika iyo midka Urur goboleedka IGAD.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray xaaladda maamulka Galmudug oo dhawaan galaya dib u heshiisiin iyo doorasho.

Ra’iisul wasaare Khaye ayaa xubnaha beesha caalamka uga warbixiyey heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug oo mideysan.

Sidoo kale Khayre ayaa ka dalbaday safiirada iyo wakiillada inay kordhiyaan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya.

Dhankooda xubnaha ka socda dalalka beesha caalamka ee ka qeyb galay shirka ayaa ku boggaadiyey xukuumadda federaalka Soomaaliya dadaallada dib u dhiska ee ay ka wado gudaha dowlad goboleedka Galmudug.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa ayaa muddo bil ah ku sugan deegaanada Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre 

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News