25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Faah-faahin ku saabsan dil ka dhacay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa maanta gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah, iyaga oo dilka kadib gooobta ka baxsaday.

Dad ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay nawaaxiga Masjidka Shuhadada ee qeybta Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha, islamarkaana rag ku hubeysnaa bastoolado ay toogteen ninka xili uu halkaas ku sugnaa.

Meydka marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shacab ah oo halkaas ka agdhawaa, waxaana durbo gooba ka baxsaday ragii fuliyay dilkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata sameynta mobeellada.

Weli macada sababta loo dilay wiilkaasi dhalinyarada ahaa iyo dadka ka dambeeyay dilkiisa, waxaana goobta uu dilka ka dhaca gaaray ciidamo k atirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dilalka qorsheysan ee magaalada Muqdisho oo toddobaadyadii ugu dambeeyey u muuqday inay sidii hore ka yaraadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News