Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay iney soo gaba gabeeyeen soo xulida xubnaha ku tartamaya kursiga Xildhibaanimo ee Baarlamaanka soo socda Jubaland.
Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo waxa uu ku sheegay in odayaasha dhaqanka ay ka soo dhamaatay soo xulida Saddexda qof ee kursigiiba ku tartamaya, dadkan mid kamid ah waa Xildhibaanka kursiga difaacanaya iyo laba qof oo lagu soo daray.
Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in wixii haatan ka danbeeyay ay iyaga u soo wareegtay dhameystirka howshan, wuxuuna tilmaamay in Gudigooda ay marsiinayaan habraacan, si ay u soo saaraan Xildhibaanka kamid noqonaya Baarlamaanka 2-aad ee yeelanayo maamulka Jubaland.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa ugu danbeyn Shacabka Jubaland ugu laab qaboojiyay iney Guddigooda ku kalsoonaadaan, wuxuuna raja ka muujiyay in doorashada soo socota ay si cadaalad ah ku dhacdo.