Jubaland oo ku dhowaaqday inay xuduudda Kismaayo ka xirtay dhul, cir iyo bad

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa soo saaray go’aano amni oo lagu soo rogay magaalada Kismaayo laga billaabo caawa iyo illaa inta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Jubaland ee 22-ka bishan.

Go’aannada ayaa waxaa ugu weyn in lagu dhowaaqay in laga bilaabo 6pm makhribnimo 20/08/2019 ilaa 23/08/2019 la xiray xudduudaha magaaladda Kismaayo ee cir, dhul iyo bad.

Shir ay isugu yimaadeen guddiga amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu dhowaaqay in heegan la geliyey dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidamadda Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka kuwooda ka howl gala magaaladda Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Guddiga ayaa sidoo kale faray hay’adaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland, ciidamadda AMISOM, maamuladda garoonka diyaaradaha Kismaayo, dekadda Kismaayo iyo baraha kantarooladda laga soo galo magaaladda Kismaayo inay xaqiijiyaan meel maridda go’aankaan.

Hoos ka aqriso go’aanka oo dhameystiran