“In Itoobiya loo adeegsado Jubaland waa qiyaano qaran oo uu sameeyey Farmaajo” Waxaa sidaas yiri…

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa war kasoo saaray xiisadda ka jirta Kismaayo ee ka dhalatay isku dayga ay ciidamada Itoobiya ku doonayaan inay ku degaan

Fiqi ayaa qoral uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in ciidamada Itoobiya ee doorashada loo Jubaland loo adeegsanayo uu ka dambeeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo uu ku qeexay qiyaanno qaran.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi oo dhameystiran

Ciidamada Itoobiya ee arrimo hoosaadka Doorashooyinka Kismaayo loo adeegsanayo oo hadba weji cusub la soo baxaya waa khiyaano Qaran oo xafiiska madaxweyne Farmaajo uu ku dhacayo.

Kanaaladii kol hore la sheegay in la soo xiray sow uma eka kuwo qaranimadii iyo madaxbanaanidii Soomaaliya baabi’inteeda lagu soo bedeshay.

Isku day kale oo Qiyaano Qaran ah ayaa shaley galab lagu fashiliyey Kismaayo, ka dib markii ciidamo Kumaandoosta Itoobiya ka tirsan oo la soo kiraystey ay si tahriibis ah isugu dayeen In lagu soo gelsho Kismaayo kaasoo ugu danbayn guuldarreystey.

Doorashooyinka dawlad goboleedyadu waxey midba midda ka danbaysa daaha ka sii rogaysaa sida dalka Soomaaliya iyo taladiisii loo hoos geeyey Dawladda Itoobiya, laakin kaasi waa mashruuc la soo tijaabshay oo guulaysan waayey ee yaan kabuhu idinka dhammaan.

# Ushuba waa Qalab difaac#