Lafta Gareen: Ciidamada jooga Koonfur Galbeed waa kuwa ugu liita xoogga dalka

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo la hadlayey warbaahinta ayaa shaaciyey in ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa howlgala deegaanada maamulkaasi ay yihiin kuwa ugu liita ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Lafta Gareen ayaa guutada 60-aad ee ciidamada dowladda ku eedeeyey in ay dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadani ay ku shaqeeyaan Qabyaalad, islamarkaana ay sii hurinayaan dagaal beeleeyada ka jira maamulkaasi.

“Askarta ciidanka qeybta 60-aad iyo saraakiishooda waa ciidanka ugu liito, inuu dad wax taro iska dhaafee dhibaatada ay sameynayaan iyo wax tarkooda 80% dhibaatada ay sameynayaan ayaa badan”ayuu yiri Lafta Gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xusay in ciidamadaasi ay jidka u taagan yihiin shacabka, islamarkaana ay u geystaan dhibaatooyin kala duwan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen dil dad rayid ahaa oo uu ku jiray marxuum Cali Marguus loogu geystay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo 
caasimada@live.com