Xog: Ogow sababta Sheekh Mukhtaar Roobow loogu wareejiyay xabsi guriga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wareejisay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur xabsi uu ku jiray muddo sagaal bil ah, waxaana la geeyay xabsi guri kale oo ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya sida ay ogaatay Caasimada Online.

Abuu Mansuur ayaa la dejiyay guri dhawaan lagu sameeyay dayactir, kaas oo ku yaala gudaha madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka hotelka Gob-Soor ee Villa Somalia waxaana aad loo adkeeyay ammaanka gurigaas.

Caasimada Online ayaa ogaatay in halkii uu ku xirnaa 9-kii bil ee la soo dhaafay Abuu Mansuur looga soo wareejiyay sabab la xiriira dayactir ku socda Guryaha VIP-da loo yaqaano ee Taliska NISA, iyadoo la sheegay in uu guriga cusub sii joogo doono muddo dhowr-cesho ah una dhaxeysa 30-60 cesho.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa waxaa soo qabtay Ciidamada Itoobiya 13-kii bishii December ee sanadkii 2018 kadib markii uu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo ay u diidaneed Dowladda Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyey inuu ka baxay heshiis lala galay.

Dedaalo badan oo la geliyay in lagu sii daayo ilaa hadda ma suurta gelin waxaana diiday Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com