Xog: Hoggaanka Ahlu-Sunna oo laba u kala qeybsamay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoonkaro oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa Caasimada Online u sheegay in Khilaaf uu soo kala dhex galay hoggaanka Ururka Ahlu-Sunna ee gacanta ku hayay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Khilaafka ayaa yimid ka dib markii xubno ka mid ah Ahlu-Sunna ay ku shegeen in ay ka baxayaan heshiiskii ay la gaareen dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii la fulin waayay qodobadii lagu heshiiyay.

Qaar kale oo ka mid ah hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa sheegay in uu heshiisku yahay sidii lagu kala saxiixday, oo aan loo baahneyn in maanta laga laabto, islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay taageeraan si ugu yaraan qaar ka mid ah qodobada heshiiska ay u hirgalaan.

Hoggaanka ciidanka Ahlusunna ayaa sidoo kale kasoo horjeestay tilaabooyin uu qaaday Macalin Maxamuud iyo wasiirka qorsheynta Galmudug, ayaga oo u arka kuwa kasii daraya xaaladda.

Kulan ay yeesheen hoggaanka Ahlu-Sunna oo ay ka mid yihiin Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir iyo Ashcari ayaa xalay dhammaaday, ayada oo aan wax go’aano ah oo mideysan lagu gaarin.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in maanta la filayo in kulamo kale ay yeesheen dhinacyadan, si ay u qaataan go’aanno isku mid ah oo ku saabsan heshiiska dowladda iyo xaaladda Galmudug.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com