Dowlada Kenya oo eedeyn culus u jeedisay Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ka maagtay meel fagaare ah.

Keyna ayaa ku eedeysay Soomaaliya in ka dambeyso go’aanka ay Jabuuti uga hortimid codeyntii Midowga Afrika ee kursiga Qaramada Midoobay.

Waxa kale oo ay sheegtay in go’aanka Jabuuti uu meel ka dhac ku yahay dhaqanka guud ahaan qaaradda Afrika.

Sidoo kale waxay tilmaamtay in dalalka saldhigyada ku leh dalkaasi ay gadaal ka riixayaan in Jabuuti ay u tartanto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka.

Dhowaan ayey aheyd markii danjiraha Jabuuti ee Qaramada Midoobay, Maxamed Siciid Ducaale uu sheegay in aysan ku qancin codeyntii Midowga Afrika.

Danjiraha ayaa tilmaamay inay Jabuuti u tartami doonto kursigaas marka la gaaro bisha June ee sanadka soo socda.

Kenya ayaa dadaal badan ku bixineysa helida kursigan, si ay maxkamadda ICJ uga baajiso dooda ay ku dooneyso biyaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com