Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Jubbaland ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo inta badan diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee maamulkaasi.
Ugu horreyn kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday dadaallada lagu dhameynayo khilaafka ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo, taas oo ay hormuud ka tahay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay arrimaha nabad galyada, waxaana la’isku raacay laga bilaabo 20-ka bishan September in shirar ruqsad la’aan ah aan lagu qaban karin gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Waxa kale oo ciidamada amniga la faray inay muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah, si ay uga hortagaan suurtagalnimada falal amni darro oo ka dhaca halkaasi.
Ugu dambeyn shirka golaha wasiirada ee Jubbalad ayaa looga arrinsaday xaaladaha bani’aadanimo ee ka taagan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, iyadoo hay’adaha ku shaqada leh la faray in ay warbixinno ka keenaan xaaladaha nololeed ee ka jira gobolladaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]