Wasiir Oomaar oo sabab yaab leh ku sheegay xayiraadii duulimaadyada Kismaayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Salaad Oomaar oo ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si cad uga hadlay sababihii keenay in xayiraad la saaro Duulimaadyadii sida tooska ah u tagi jiray Magaalada Kismaayo.

Oomar ayaa sheegay inay Dowladda go’aankaas qaadatay kadib markii uu sheegay inuusan maamul ka jirin Jubbaland ayna u cabsadeen xuduudaha dalka.

Oomaar ayaa xusay iyagoo gudanayo waajibaadka ka saaran Xuduudaha inay amreen in Diyaaradaha ay soo maraan Muqdisho kadibna ay usii gudbaan Magaalada Kismaayo

Wasiirka ayaa sheegay inaysan jirin xanibaad la saaray Kismaayo, balse go’aanka xukuumadda uu yahay “mid lagu ilaalinayo danta guud ee dalka.”

Mar Su’aal laga waydiiyey sababta aysan xayiraad u saarin Magaalooyinka kale ee Soomaaliya oo kaliya ay u bartilmaameedsadeen Kismaayo ayuu sheegay in meelaha kale ay ka jiraan Maamul ay Dowladda aqoonsatay uuna ka shaqeeyo Xafiisyada Immigration-ka Soomaaliya.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyey in Ujeedka laga leeyahay xayiraadaan uu yahay mid siyaasadeysan oo la doonayo in lagu xiro Siyaasiyiinta Jubbaland ayuu sheegay inay arrintaas tahay been abuur ayna jirin cid ay dowladda dooneyso inay xirto marka laga reebo dad uu sheegay inay Booliska raadinayaan oo dambiyo galay.

Hadalka Oomaar ayaa imanaya ayada oo maamulka Jubbaland uu maanta soo saaray warbixin qoraal ah oo ku aadan xaaladda amni, siyaasadeed iyo bani’aadamnimo ee ka jirta dowlad goboleedka Jubaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka Muqdisho ku xirtay Wasiirkii Amniga ee Maamulka Jubbaland kadib markii diyaaradii uu saarnaa ay soo martay Magaalada Muqdisho kadib amarkii kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegay in xayiraada la saaray ay tahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo midka Maamul Goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor sheegay in xayiraadda Dowladda ay saartay duulimaadyada Kismaayo aysan isaga shaqsi ahaan saameyn ku yeelan karin oo uu aadi karo halkii uu doono isagoo aan wax fasax ah ka qaadan Dowladda Dhexe balse cidda la cunqabateenayo ay tahay Shacabka Jubbaland sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Wasiir Oomaar

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com