Abuukar Cumar Caddaan: Dadka MUQDISHO way mudan yihiin in la ciqaabo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegay in Dadka Muqdisho ay mudan yihiin in laga xiro jidadka isla markaasna ay rafaadaan, isagoo taas sabab uga dhigay inay iyaga yihiin Ballaayo waxaas keensaday.

Ganacsadaha ayaa sheegay in Muqdisho lagu dhacay Hanti badan oo dad shacab ah ay lahaayen dhiig badanna lagu daadiyey midaasna aan weli laga toobad keenin waxna la iska waydiin.

Wuxuu sheegay in fidnada Soomaaliya ay soo bilaabatay Sanadkii 1960 illaa haddana xal loo la’yahay, wuxuu tusaale usoo qaatay  in dadkii riday Siyaad Barre ay awoodi waayeen inay dalka xal u keenaan ayna Muqdisho u kala jareen laba qeyb.

Ganacsade Abuukar ayaa sheegay in haddii la rabo in laga baxo dhibaatada dadka Muqdisho heysato loo laabto Alle isla markaasna la iska dhaafo Dastuurka la isku xukumayo oo uu ku tilmaamay inuu yahay arrin gaar u ah Gaalada.

Abuukar ayaa sheegay in madaweynayaashii dalka soo maray oo uu ugu dambeeyo Madaxweyne Farmaajo uu midba midka ka dambeeyo wax ka sheego isagoo sheegay inaysan waxba is dhaamin, wuxuuna tusaale u soo qaatay Farmaajo oo uu sheegay inuu horey u ballan qaaday inuusan xiri doonin jidadka markii dambana laga waayey.

Wuxuu sheegay in markuu Famaajo tago uu imaan doono mid isaga ka daran dadkana ay dhihi doonaan Farmaajo ayaa fiicnaa.

Ugu dambeyntii Wuxuu xusay inaysan Soomaaliya dowlad shaqeyso ka dhallan doonin inta uu Dalka leeyahay lix Madaxweyne sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com