Iimaan Cadow Kaarshe oo weli ku xayiran Muqdisho iyo ujeedkiisa oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, Iimaan Cadow Kaarshe oo sheegay in maalmahanba uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho oo uu hawla caafimaad u joogay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in loo diiday in uu ka dhoofo caasimadda.

Guddoomiye Iimaan ayaa sidoo kale sheegay in uu hawlo u joogay Muqdisho oo ay kamid yihiin sidii uu dowladda, xildhibanaada iyo waxgaradka uga la hadli lahaa abaaraha ka jira magaaladii uu ka yimid ee Garbahaarey, wuxuuna intaa raaciyay in laga soo celiyay garoonka diyaaradda ee Aadan Cadde.

“Waa run, in garoonka la iga celiyay, waxaa dhacday markii aan garoonka galayay in wiilal askar ah ii diidaan in aan diyaaradda raaco, oo ay iga soo celiyaan, waxay ay ii sheegen oo dembi ah oo aan galay oo i qanciyana wali ma hayo, haddii aan iri yaa I heystana waxay igu yiraahdeen anagu waxaan nahay xafiiska nabadsugida ee garoonka, amarkana waxaa nalaga siiyay xafiiska naga sareeya ee nabadsugida, in aad bixin oo bixitaanka aadan u fasaxnayn baa la nalagu amray ee Magaalada ku noqo”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in uu isku dayay in uu ogaado cida heysata, balse wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda uusan garaneyn sababta loo xayiray, kiiska loo heysto iyo cida ka dambeysa arrintan lagu sameeyay.

Walaaca uu qabo guddoomiyaha

Guddoomiye Iimaan Cadow oo aan xirneyn, balse lagu xanibay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qofka la xiri karo, oo xeerka iyo sharciga uu qabo, balse ay tahay in laga qanciyo sababta loo xiray.

“Xorriyadeyda, safarkeygii iyo mas’uuliyadeydii aan hayay intaba in lagu xadgudbay ayaa ii muuqata, nabadgelyadeydii iyo noolasheydii aysan ahayn mid caadi ah oo khatar ay tahay, oo dharkeygii iyo boorsadeydi hadda aan heysanin oo aan garaneynin halka ay jiraan”, ayuu sii raaciyay gudoomiye Iimaan Cadow.

BBC-da ayaa la xiriirtay dowladda Soomaaliya, si ay wax uga weydiiso xayaraadda uu sheegay guddoomiyaha Garbaharey, balse nooma aysan suurtagelin in aan wax jawaab ah ka helno.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mamaulka Jubaland ee ka dhashay doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Kismayo ayaa sii kala fogeeyay labada dhinac, waxaana taas ay keentay in dowladda federaalka ay xayiraad kusoo rogto duulimaadyada taga Kismayo, inkastoo haatan ay tagaan oo go’aankaas ay dowladda ka laabatay.

Mar guddoomiyaha Garbaharey wax laga weydiiyay in xayiraadiisa ay arrintaas la xiriirto, maadaama uu ka tirsan yahay dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa uu sheegay in inkastoo uu ka tirsan yahay maamulka Jubaland, hadana khilaafka ka dhaxeeya federaalka iyo Jubaland uusan isaga garsoore ka ahayn, balse uu yahay mas’uul Jubaland ah oo wixi khalad oo u dhaxeeya dhinacyada ay tahay in lagu xaliyo nidaamka, dastuurka iyo goleyaasha barlamaanka.

“Aniga muwaadin ummad shaqo u haya oo shaqadiisa iyo xafiiskii uu u socday ayaan ahay, marka cudur daar uma noqon karto waxa ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka in aniga la I xanibo”, ayuu raaciyay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda fedeeraalka ee Soomaaliya ay mas’uul ka tirsan maamulka ay is-hayaan ee Jubaland ay falkan oo kale ay ku sameyso oo waxaa guddoomiyaha ka horeeyay wasiirkii amniga ee Jubaland, Cabdirashiid Janan oo haatan ku xiran Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa horay shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Janan, wasiirka amninga ee Jubaland oo ay sheegtay in loo haysto “dambiyo culus” oo uu galay. Balse Jubbaland ayaa dhalleeceysay xiritaankiisa, kuna tilmaantay mid siyaasadeysan.

Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa iyaduna horay u sheegtay in Cabdirashiid Janan “looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”.

Xigasho: BBC