26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawirro: Dr. Badiyow oo ardayda Somaaliyeed ee Turkiga ku wareejiyay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaa ka dhacay dalka Turkiga kulan ay Jaaliyada soomaaliyeed ee wax ku barta halkaas kula kulmeen aqonyahao uu ka mid ahaa Dr: Cabdiraxmaan Cabbdulaahi Badiyow oo ka mid ah aqoonyahada soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha dib u heshiisiinta Galmudug.

Kulankan ayaa waxaa ka Qeyb galay Mas’uliyiin aqoonyahano uu ka mid ahaa Avv. Cumar cabdulle Dhegey la taliyaha Raisulwasaaraha Arimaha Sharciga, waxa uuna badiyow ardayda Somaaliyeed ee Jaamicadaha Turkiga wax ku barta u hadiyeeyay  kitaabka “Making Sense of Somali History, vol.one” oo Carabi lagu tarjumay. Kitaabkaan oo lagu daabacay Istanbul, waxaa dhawaan la keenayaa Somaaliya, sida uu halkaas ka sheegay Dr Badiyow.

Badiyo ayaa sheegay in kitaabka Making Sense of Somali History, oo Carabi loo tarjumay, Laguna daabacay Istanbul, waxa uuna halkaas ka sheegay arimo ku aadan wax barashada oo ay Jaliyada somaaliyeed ee Turkiga ay aad u soo dhaweeyeen.

Dhallinyarada ardayda ka ah jaamicada Turkey oo ah levels PHD iyo MA, kuwaasi oo gaaraya ilaa 50 arday iyo marti kale oo ka soo Qeyb gashay xafladaas.

Dr Badiyow ayaa Soomaalidii halkaas uu kula kulmay kula dardaarmay in ay wax qabsadaan iskana daayaan dhibaatooyinka Baraha bulshada iyo qabyaalada.

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan

- Advertisement -

Read more

Local News