Madaxda DALALKA Bariga Afrika oo go’aan ka gaaraya codsi ka yimid Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxda dalalka ururka Bulshada Barriga Africa ayaa 30-ka November ku kulmaya magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaasi oo ay ku yeelan doono kulan madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ah.

Mid ka mid ah ajendayaasha ugu weyn ee kulanka ayaa ku saabsan Soomaaliya iyo waxa laga yeelayo codsi ay soo gudbisatay oo ku saabsan sidii ay xubin uga noqon lahayd ururkan loo yaqaan EAC (East African Community).

Hoggaamiyayaasha ayaa dib u eegi doona horumarkii laga sameeyey hubina shuruudaha laga doonayey Soomaaliya inay soo buuxiso si loogu ogolaado inay ka mid noqoto ururka.

Wakiilo ka socda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay codsaday xubin ka noqoshada ururka, bishii March ee sanaddii 2012. Codsiga Soomaaliya ayaa waxaa kadib eegay madaxda ururka bishii December ee 2012, kuwaas oo ka codsaday golaha ururka inay Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii loo hubin lahaa codsigeeda.

Bishii Febraayo 2015, madaxda EAC ayaa mar kale eegay kiiska Soomaaliya hase yeeshee mar kale dib loo dhigay ayada oo la sheegay inaan weli la billaabin hanaanka hubinta codsiga Soomaaliya.

Ugu dambeyn bishii June 2019, ururka ayaa hakiyey codsiga Soomaaliya, sababo la xiriira “xasilooni darrada ka jirta dalka.”

Soomaaliya ayaa xubin ka ah ururka IGAD, oo sidoo kale ay xubno ka yihiin qaar ka mid ah dalalka ku bahoobay EAC, mana cadda faa’iidada gaarka ah ee xiligan ugu jirta inay ku biirto EAC.

Ururka East African Community (EAC) ayaa waxaa xubno ka ah dalalka Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com