Deeq Gargaar ah oo loogu magac daray Gurmad Walaal oo la gaarsiiyey Beledweyne

Beledweyne (Caasimadda Online) – Illaa 8 Gaari oo kuwa Xamuulka ah islamarkaana sida Deeq Gargaar ah ayaa maanta waxa ay ka ambabaxeen Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan , taas oo ay iska soo Uruuriyeen Ganacsatada iyo Shacabka ku kala nool Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

Gurmadkaan oo loogu tala galay Shacabka Magaalada Baladweyne ee uu saameeyay Fatahaadda Webiga Shabelle ayaa  Isugu Jiray Raashiin , Dawo, Mara Kaneecooyin iyo Agab kale waxaana sida Warbaahinta ay uga warbixiyeen Guddiga Ganacsatada magaalooyinka aan kor ku soo xusnay ee iyagu aruurinta deeqdaan Hormuudka  u ahaa , loogu tala galay illaa 5,000 oo qoys , kuwaas oo qeyb ka ah dhibanayaashii ku tabaaloobay fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabelle.

Guddiga ayaa xusay in  Gurmadkoodu isugu jiray  3342 Kiish oo Bur ah, 3388 Kiish oo Bariis ah  , 3324 Kiish oo Sokor ah ,5034 Caag  oo Saliid ah, waxaa  intaas sii dheer Joodariyaal, Mara Kaneecooyin  iyo  Maacuun.

Guddiga  Ganacsatada Magaalooyinka Dhuusamareeb , Guriceel iyo Matabaan ee isku xilqaamay Howshaan loogu gurmanayo Shacabka Magaalada Baladweyne ee ay saameysay Fatahaadda Webiga Shabelle ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1:- Cabdi Jaamac

2:-Cali Dhoore Xasan

3:-Maxamed Cabdi Xaliim

4:-Yaasiin Nuur Samatar

5:-Cabdifitaax Cali Cilmi

6:-Cabdiqaadir Axmed Dhoore.

 Sidoo kale waxaa ku sugnaa Madasha lagu soo bandhigayay Gurmadkaasi baaxadda leh, Masuuliyiin kala duwan oo kuwa maamulka Hirshabelle ay qeyb ka yihiin.

Waxaana Taageerada ka timid shacabka iyo Ganacsatada Magaalooyinka Dhuusamareeb , Guriceel iyo Matabaan Hal ku dhig looga dhigay Gurmad Walaal.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si isdaba joog ah Magaalada Baladweyne u gaarayay Deeqo kala duwan oo ay iska soo aruuriyeen Dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka iyo dibaddiisa intaba iyadoo Ganacsatada ay kaalin fir fircoon ka qaadanayeen Gurmadkaasi baaxadda leh.