Wasiir taageersanaa Biixi oo hadal lama filaan jeediyey, sheegayna in 3 beel ay…

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Cabdilaahi Ibraahim Habbane ‘Cabdilaahi Dheere’, Wasiirkii hore ee Wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa markii u horeysay sheegay in Xisbiyada Somaliland ay u gacan galeen saddex beelood.

Cabdilaahi Dheere ayaa sheegay in saddexdaasi Beelood ay isku soo koobeen xisbiyada Somaliland, isla markaana aysan fursad uga banaaneyn beelaha kale ee dega deegaanada Somaliland.

Waxa sidoo kale uu si gaar ah ugu baaqay xubnaha ka soo jeeda gobolka Awdal ee ku jirra xisbiyadaasi inay iskaga baxaan, maadama aan loo sineyn Xisbiyadaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cabdilaahi Dheere ayaa ka dhawaajiyey in uusan jirin gudaha Somaliland wax Xisbi la yidhaahdo, oo iskugu yimid mab’da ama fikir siyaasadeed oo sax ah, wuxuuna yiri

“Xisbiyada waxa qaybsada saddex Reer ee Xaggaynu innagu ka soo galnaa, laba waa Garxajis, midna Habar Awal baa haysata hadda, xaggay beelaha kale ka soo galayaan, Annagu maba jirto ayaanu leenahay wax Xisbi la yidhaahdaaba”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Nin kasta oo Gadabuursi ah oo ku jira ka baxbaan leeyahay, Waayo? Axsaab maaha, Axsaabtu waa tii isagu timaadda Fikir Siyaasi ah”

“Waxaynu gaadhi lahayn in Nin reer Hargeysa ah aynu Boorama ka sharraxno mustaqbalka, maxaynu isku daalinaynaa haddaynu Qabyaaladdii dib ugu noqonayno, maynu odayaasha shaqadooda u dayno, taasaa ayaynaan isku layneyne”.

Cabdilaahi Dheere ayaa hore waxa uu uga mid ahaa ragii sida cad uga dhex muuqday ololaha doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Muuse Biixi, isagoona markaasi aad ula dhacsanaa in uu Biixi qabto talada Somaliland, balse muddooyinkii u dambeeyay ayuu aad u dhaliilsanaa siyaasadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa