Daawo: Cabdullaahi Sheekh Xasan oo weerar ku qaaday Xasan Sheekh iyo Cosoble

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdullaahi Shiikh Xasan horeyna usoo noqday wasiir ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed haddana kamid ah Xisbiyada mucaarad ayaa weerar culus ku qaaday xisbiyada ku midoobay Madasha xisbiyada Qaran.

Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa sheegay inaan loogu yeeri karin xisbiyo qaran oo midoobay, maadaama uu sheegay inaysan isku tagin guud ahaan xisbiyada dalka oo ku dhow 60 xisbi.

Cabdullaahi Shiikh Xasan oo ka jawaabaayay hadal uu Shalay sheegay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ahaa inaan dadka Muqdisho lagu qasbin inay u qaxaan Ceelasha Biyaha ayaa ku tilmaamay inuu ahaa hadal aan fiicneyn isla markaasna aysan hadda habooneyn in dadka Muqdisho la qaxiyo.

“In qof rabo inuu xil ka qabto Soomaaliya yiraahdo waxaa noo ballan ah Ceelasha Biyaha oo noo banaan waa nasiib darro wax la aqbali karana maahan, waxaana rajeenayaai inuu Xildhibaanka cudur daar ka bixiyo, waxaa laga yaabaa in ilmihiisa Debadda ku nool yihiin, waxaa laga yaabaa inuu Malaayiin Dollar iska heysto, wuxuu heystaa Baasaboor Ajnabi ah, waxaa kuu sheegayaa dadka Muqdisho ma rabaan dhibaato kale” ayuu dhahay.

Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa madaxdii hore dalka madaxweyne uga soo noqotay ku eedeeyey inay iyaga horey ugu soo tunteen Dastuurka loogana baahan yahay inay marka hore cudur daar ka bixiyaan kadibna ay Dowladda hadda jirto ku dhaliilaan qaladaadka ay ka galeyso Dastuurka .

Wuxuu si gaar ah Maxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ugu eedeeyey inuu qaladaad badan ka galay dalka loogana baahan yahay inuu arrintaas cudur daar ka bixiyo.

Dastuurka ayuu sheegay inuu qorayo inaan qof gurigiisa la baari karin lana soo xiri karin iyadoo aan waraaq laga heysan Maxkamad, wuxuuna is waydiiyey haddii uu taas sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa oo dhameystiran

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com