Ciidamadii ka goostay Jubaland ee ku biiray DF oo hadlay, shaaciyeyna qorshe yaab leh oo ay diideen

Luuq (Caasimada Online) – Ciidamadii maamulka Jubaland ee ka tegay Beledxaawo islamarkaana gaaray magaalada Luuq ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u hadlay, ayaga oo shaaca ka qaaday sababta ay u goosteen.

Ciidamadan oo gaaraya illaa 210 askari, ayaa wararkii aan horey u baahinnay waxaan ku sheegnay inay ku biireen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Muuddeey oo ah sarkaal ka tirsan ciidamadan ayaa xaqiijiyey in qaateen go’aan ah inay ka baxaan ciidamada Jubaland kuna biiraan kuwa qaranka.

“Hadda kadib waxaan si toos ah u hoos tageynaa dowladda dhexe, markii ugu horreysayba waxaan ahayn ciidamada dowladda Federaalka, ka hor inta aan la aasaasin Jubbaland”, ayuu yiri.

Maxamed Cabdi Muuddeey oo wareysi siiyey idaacadda BBC-da ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka ay qaateen uu sabab u ahaa “isfaham waa dhex maray iyaga iyo maamulka Jubaland” ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madobe.

“Waxaan isku fahmi weynay qorshe ku saabsan in ciidammada joogay Beledxaawo loo qaado dhinaca gobolka Waqooyi-bari, Kenya, annaguna waan kasoo horjeedsannay arrintaas, waayo ma dooneyno in marba dhinac naloo wado oo aan ka shaqeyno wax aan danaheenna ahayn”, ayuu yiri Muudeey.

Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karta arrinta uu sheegay sarkaalka ee ah in la doonayey in la geeyo gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shalay xaqiijiyey inay jirto in ay ciidamo ka tirsanaa maamulka Jubbaland, oo ka tagay Beledxaawo islamarkaana aaday Luuq, balse sheegay “inaysan ahayn wax weyn.”

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com