Dhoobo oo ku adkeysanaya inuu yahay guddoomiyaha sharciga ah baaqna u diray bulshada saddex gobol

Garowe (Caasimada Online) – Gudoomiyihii kalsoonida lagala noqday ee baarlamaanka Puntland  Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo-daareed ayaa markii ugu horeysay warbaahinta la hadlay intii uu ku sugnaa gobolka Sanaag oo uu gaaray maalin kahor.

Guddoomiye Dhoobo-daareed oo haatan ku sugan degmada Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xilka qaadistii lagu sameeyay iyo xaaladda guud ee Puntland ay haatan ku sugantahay isagoo baaq u diray gobolada Sool, Sanaag iyo Bari.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu aad u cambaareynaayo weerarkii habeenkii Khamiista lagu qaaday Aqalka baarlamaanka, kaas oo uu sheegay inay ku soo qaaday xukuumadda madaxweyne Dani, sidoo kale qaabkii xilka looga qaaday oo uu ku tirmaamay gef god dheer ku riday hiigsigii Puntland.

“Wixii dhacay habeenkaas dulmi dacbey ahaayeen oo aan marnaba qiil laheyn, waxaa la weeraray xaruntii aan odaga ka ahaa ee baarlamaanka, waxaa lagu laayay ciidan iyo dad shacab ah dhiigii oo qoyan ayaa habeenkii oo dhan lacag la qeybinayay si subixii xil ka qaadis sharci darro ah loogu fadhiisto” ayuu yiri guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo.

Sharciga iyo dastuurka ayuu sheegay in uu ku dagaalami doono maadaama xilka qaadistiisii aan sharciga loo marin, haatana uu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee baarlamaanka Puntland.

Ugu dambeyntii guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Dhooba-daareed ayaa waxaa uu tilmaamay in Puntland ay u baahan tahay badbaadin, wuxuuna Bulshada ku dhaqan Gobolada Sool, Bari iyo Sanaag ugu baaqay iskaashi  iyo wadashaqeyn, maadaama sida uu sheegay ay gaar u taabatay arintani.

“Bulshada ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Bari iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed inta ay taabatay arintii gefka ahayd ee xukuumaddu ku kacday waxaan ugu baaqayaa in ay iskugu yimaadaan shir deg deg ah oo wada tashi ah” ayuu yiri guddoomiye Dhoobo-daareed.

Si kastaba Khamiistii la soo dhaafay Xildhibaano gaaraya 49 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa codka kalsoonida kala noqday Guddoomiye Dhooba-daareed, waxaana Xildhibaanada lagu wadaa in Guddoomiye cusub ay soo doortan 14-ka bishan, sida lagu shaaciyay warqad ka soo baxday guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xaafiiska Garowe
Caasimada@live.com