25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Dhageyso: Taliyaha Asluubta oo sharxay hadalkii uu ku liiday askarta naafada ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay VOA ayaa wax laga weydiiyay hadal caro badan dhaliyay oo dhawaan ka soo yeeray, kaas oo ahaa in qof naafo ah aan looga baahneyn in uu qorto ama ka sii mid ahaado ciidanka Asluubta.

Taliye Mahad ayaa sheegay in hadalkaas loo buun buuniyay si ka duwan sidii uu ula jeeday, isagoo qiray inay u yimaadeen dad naafo ah oo doonayay inay qortaan ciidanka Asluubta, balse uu ku war galiyay in aysan qora karin ciidanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin qof ku naafoobay intii uu ku jiray ciidanka  Asluubta oo uu shaqada ka eryay, sidoo kale waxa uu shagay in dadkii naafada ahaa ee u yimid iyagoo doonaya inay ciidanka qortaan uu u sheegay in ay shaqo u raadsadaan hey’adaha kale ee dowladda, maadaama sida uu sheegay igaya ay ka helayaan shaqooyin ay ka bixi karaan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dadka buun buuninaya hadalkiisii uu u aqoonsanayo nabadiid iyo dad been sheeg ah oo sida uu sheegay horay u jiri jiray, hadalkana sida loo dhigay uusan u dhihin.

Dood weyn iyo cambaareyn ayaa ka dhalatay hadal uu taliya ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu ku yiri, “Loogama baahna ciidanka Asluubta ee aan hoggaamiyo qof naafo ah, lug ha la’aato, gacan ha la’aato, il ha la’aato ama xubin kale ha la’aatee”.

Ururrada u dooda xuquuqda dadka naafada ah, siyaasiyiin iyo bulsho kale ayaa aad u cambaareeyey hadalka  ka soo yeeray taliyaha ciidanka Asluubta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka mid ahaa dadkii ka fal celiyay hadalka taliyahaan ayaa yiri, “Hadii dowladdu ay hadda ka hor wasiirkii waxbarashada xilkii ugu qaaday Jaamacadaha dalka ayuu wax ka sheegay hada waxaan ka sugeynaa in taliyahaan u gafay dadka naafadaa ee qarankooda u naafoobay ay xilka ka qaado”.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News