25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Dad rayid ah oo lagu dilay weerar, duleedka Gaalakcyo

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaaasi uu ka dhacay weerar qorsheysan oo ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan.

Weerarka oo ka dhacay deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120 KM dhanka koonfureed ka xiga degmada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu qaaday dad rayid ah oo la socday gaari siday Dhuxul, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka uu ku dhaawacmay mid kale, qofka dhintay ayaa ka mid ahaa dadka Dhuxusha shidayey, halka midka dhaawacmay uu ka mid ahaa maleeshiyaadkii fuliyey weerarka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi oo xiisad cusub ka abuurtay deegaanada dhaca koonfurta Mudug.

Inta badan waxaa dilalka ka dhaca gobolka Mudug ay salka ku hayaan kuwa la xariira aanooyin Qabiil, taas oo in muddo ah xal loo la’yahay.

Mamaullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland oo marar badan ka shiray weeraradan ayaa isla gartay in meel looga soo wadajeesto maleeshiyaadka huwan magaca Qabiilka ee dhibaatooyinka kala duwan ka geysta qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News