Swan oo war kasoo saaray khilaafka DF kala dhaxeeya maamullada iyo mucaaradka

New York (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo golaha ammaanka siiyey warbixin ku saabsan Soomaaliya, ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda federaalka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta dalka.

James Swan ayaa sheegay in wada-shaqeyn la’aanta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hadda sanad jirsatay ay caqabad xooggan ku noqotay in lagu guuleysto hadafyada qarameed ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay, in si loogu guuleysto ajanadaha Soomaaliya ee 2020 ee doorasho, ay qasab tahay inuu yimaado tanaasul siyaasadeed.

“Tani waxaa qeyb ka noqon doona wada-hadal iyo isu-tanaasul dhex mara dowladda iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta, kuwa hadda xukunka haya iyo madaxdii hore, hogaamiyayaasha siyaasadeed iyo kuwa bulshada,” ayuu yiri James Swan.

“Hogaamiyayaasha Soomaaliya waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqaan sidii looga gudbi lahaa is-marin waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la eegayo danta qaranka,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay inay muhiim tahay in heshiis siyaasadeed laga gaaro hanaanka doorashada 2020.

“Sidaas darteed, waxaan soo dhoweynayaa kulankii shalay ee madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee ka horeeyey, waxaana dhiir-gelinayaa wada-tashiyo kale oo noocan ah.”ayuu yiri wakiilka QM ee Soomaaliya.