Jubaland oo qoraal kulul kasoo saartay ‘qabshada’ ciidanka Itoobiya ee Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay sii wadaan inay si sharci darro ah ku qabsadaan qeybaha waqooyi ee gobolka Gedo, oo ka mid ah saddexda gobol ee uu maamulka ka kooban yahay.

Jubaland waxay ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn Amisom ku eedeeysay inay shalay u diideen madaxweynaha ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayiid Aadan inuu galo magaalada Beled Xaawo.

Jubaland ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya ay qabsadeen Beled Xaawo kadibna ku dhaqaaqeen inay abaabulaan dibad-baxyo qasab ah oo shacabka halkaas degan loogu kicinayo maamulka, islamarkaana xarig ugu hanjabeen shacabka taageersan maamulka Jubaland.

Qoraalka kasoo baxay Jubaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in hadafka guud ee ciidamada Itoobiya uu yahay inay ballaariyaan saameynta “maamulka Faraamjo ee gobolka Gedo, si Farmaajo uu dib ugu celiyo doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaan ee dhowaan ka dhacday Jubaland.”

Jubaland waxay ku eedeysay Villa Somalia inay dooneyso inay madaxweynayaal ay ayada soo xushay oo daacad ah ay gayso dhammaan maamul goboleedyada dalka, ayna u aragto Jubaland inay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan.

Waxay sidoo kale sheetay in qorshaha kaas kasii dambeeya uu yahay in madaxweynayaasha daacadda ah ee ay raadineyso Villa Somalia ay madaxweyne Farmaajo u gacan geliyaan fursad dib loogu doorto hoggaanka dalka.

Jubaland ayaa ugu baaqday Amisom, Midowga Afrika, IGAD, iyo wakiilada QM ee Soomaaliya inay ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn Amisom ka saaraan Jubaland.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Jubaland