Hadalkii SHEEKH SHARIIF oo saameyn ku yeeshay shaqadii ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadalkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ahaa in dalka ay ka saari doonaan madaxda dowladda Soomaaliya hadii ay ilaalin waayaan sharciga dalka u yaalo ayaa saameen ballaaran ku yeeshay howlaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in talisyada booliiska iyo milatariga ay amreen in la xareeyo ciidamada dheeraadka ah ee aan shaqada ku jiran maadaama uu xasaasiyad dhaliyay hadalkii Shariif Sheekh Axmed.

“Dhamaan ciidamada milatariga ee aan shaqada ku jirin waa la xareeyay, sidoo kale waxaa la yareeyay ciidamadii shaqada ku jiray waxaana kontaroolada lagu soo koobay dhowr askari oo shaqada loo kordhiyay waana booliska iyo milatariga” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya.

“Ciidamo badan ayaa ku daalay shaqada markii la xareeyay kuwii kale waxaana loo baqay in ay magaalada falal ka dhacaan maadaama ay jirtay cabsi ku aadan rabshado ka dhasha hadalkii Shariif” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan ciidamada soomaaliya.

In la yareeyay tirada ciidamada ee ku sugnaa kontaroolada magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa Muqdisho, halka sidoo kale milatariga ay noo xaqiijiyeen in milateri badan dib loogu celiyay xarumahooda.

Sheekh Shariif ayaa saameyn weyn ku dhex leh ciidamada, oo badankood la qoray intuu madaxweynaha ahaa, aadna ay u qadariyaan. Waxaa sidoo kale jirta in inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay ku beel yihiin.