KENYA oo sindadabyo diblomaasiyadeed oo hore leh ku dhacday! (Faallo)

Khamiistii dhoweyd November 14, 2019 Soomaaliya iyo Kenya waxay markale isku afgarteen in dib ​loogu soo celiyo xiriirkii labada dal ​halkii uu joogay bilowgii 2019​kii. Kenya waxay February 16, 2019 si ula kac ah u soo cayrisay​ Danjire ​Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, taas oo ka baxsaneed maamuuska iyo xurmada ka dhexeysa dowaladaha derisaka ah.

Dhacdadaas wixii ka dambeyay, Muqdisho waxay ku dadaashay inay si taxadar leh ula dhaqanto Nairobi. Haddaba, su’aashu waxay tahay: Maxaa isbedalay, oo keenay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu baadi goobo isafgarad aan melena u socon?

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in madaxtooyadda Kenya wixii ka dambeyey ikhtilaafkii New York, ay si ba’an u raadineysay in mar uun dib u soo celiso is aaminaadii labada dal. Sidoo kale, Kenya waxaa caqabad ku noqotay siyaasadeedii cunaqabateenta Soomaaliya.

War uu bartiisa Twitterka soo dhigay Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegaya in labada dal ay dib u soo celinayaan xiriirkoodii, ​isagoo aan soo hadal qaadin doodii aaga badda ee shidaalka hoddonka k​u ah (New York Times – November 14, 2014).

Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya aysan waxba iska bedelin mowqifkeedii ahaa in dooda garta badda lagu dhammeyo Maxkamadda ICJ, (VOA – November 14, 2019).

October 18, 2019 Maxkamadda ICJ waxay go’aansatay inay dib u dhigto dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeya Soomaaliya iyo Kenya, ilaa iyo June 2020. Cusman Maxamed Xuseen oo wax ka qora arrimaha Geeska Afrika ayaa hore u yiri, “Kenya waxay September 3, 2019 codsatay in dhagaysiga dacwada dib loogu dhigo ka dib markii garyaqaanadeedii dib uga gurteen difaaca dacwada.”

Inkastoo Kenya ay ku doodaysay inay u baahan tahay muddo ay ku raadsato garyaqaanno, kuna soo bandhigto caddeymo dheeraad ah, haddana Soomaaliya waxay u aragtaa in ay dooneyso keliya, in waqti ay ka lumiso maxkamadda.

Markale, Kenya waxay ku andacootay war aan xaqiiqadiisa la hubin, oo Maxkamadda ku gacan sayrtay. Kenya waxay caado ka dhigatay inay ceebeyso garta maxkamadaha caalamiga ah.

Maxkamadda ICJ waxay u xaqiijisay labada dhinac (Kenya iyo Soomaaliya) inaysan aqbali doonin dib u dhigid dambe. Weliba waxay qaraar kama dambeynta ah ​dul dhigtay, in labada dhinac ay ka soo qayb galaan dhageysiga dacwada oo dhacaysa June 8 ilaa 12, 2020.

Kenya, iyadoo fileysay in garsoore Cabdulqaawi Axmed Yuusuf uu ka degi doono doorka guddoonka dhowr bilood ka dib, islamarkaasna ku xisaabtameysa in Soomaaliya ay geli doonto doorasho keeni karta, in la beddelo xukuumadda talada dalka gacanta ku haysa, ayay qaadatay amarkii maxkamadda.

Kenya waxaysan ku xisaabtamin in garsoore Cabdulqaawi Axmed Yuusuf uu sii hayn doono guddoonka maxkamadda ilaa February 6, 2021, kana sii tirsanaan doono garsoorka ilaa iyo 2027.

Walow xilligaan Kenya aysan ku lahayn Maxkamadda ICJ garsoore ku matala, haddana xulashadeeda Mudane Gilbert Guillaume oo u dhashay dalka Fransiiska waxay tilmaan u tahay siyaasadeeda difaaca.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, shirkadaha Fransiiska waxay si lixaad leh u maalgashanayeen dalka Kenya. Maalgashigaas iyo xulashada garsoore Fransiis ah, ayaa kordhinaya tuhunka laga qabo in Fransiisku si dadban ugu lug leeyahay laqdabada Kenya ee badda Soomaaliyeed.

Jilaalkii dhawaa, Madaxweyne Emmanuel Macron oo ah madaxweynihii ugu horreyay ee Fransiis ah oo soo booqda gobolka Bariga Afrika ayaa Kenya la saxiixday heshiis iskaashi amni, iyo dhaqaale gaaraaya 3 bilyan doolar.

Dhinaca kale, ansixintiisii saami qeybsiga khyaraadka dalka ee bilowgiisii sannadka oo soo dedejisay in shirkadaha Exxon Mobil iyo Royal Dutch Shell ay dib ula macaamilaan Soomaaliya, balse waxaa muuqata in shirkadaha TOTAL iyo ENI Energy ay ka caga jiidayaan inay bixiyaan xuquuqda lagu leeyahay, lana macaamilaan dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, su’aasha taagan ayaa ah: Danta Fransiiska ee Kenya inteebey sii jiri doontaa xilli ay muuqato in Kenya aysan waxba ku lahayn shidaalka aan la baarin ee ceegaaga waqooyiga xuduud-badeedka Kenya iyo Soomaaliya?

Ma qarsoona in Fransiiska iyo Talyaaniga, ay ku fashilmeen siyaasadoodii gobolka, gaar ahaan Rwanda iyo Soomaaliya, taas oo keentay inay dib ugu gurtaan. Marka ficiladooda laga fiiriyo xagasha “geopolitical rivalary,” waxaa muuqata in ay horey ugu dhacay dabin Ingiriiska iyo Mareykanka u dhigeen.

Rubac qarni ka hore Fransiiska iyo Talyaaniga waxay ku qanceen in ay Liibiya iyo waqooyiga Afrika maalgashtaan, agaas oo ka rajo fiicnaa xilligaas Geeska Afrika, halka Mareykanka iyo Ingiriiska ay ku sabreen inay la tacaalaan dib u dejinta Soomaaliya. “Taas ayaa maanta labadaba (Fransiiska iyo Talyaaniga) ka hortaagan inay ka qayb noqdaan maalgashatada khayraadka Soomaaliya” ayuu yiri Cabdalla Jaylaani oo wax ka qora siyaasadda Geeska Afrika.

Dhinaca kale, falanqeeyaasha dhaqaalaha gobolka ayaa aaminsan in isbedelka siyaasadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay qayb ka tahay ifafaalahaas soo kordhay iyo hoos u dhaca ku socda dhaqaalaha Kenya ay Soomaaliya ka heli jirtay.

Inkastoo aan war rasmi ah laga soo saarin, haddana boqashadii Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre ee madaxtooyadda Fransiiska “Elysee Palace – Paris,” ayaa u muuqata diblomaasiyad wax weyn ka bedeli doono xiriirka Fransiiska iyo Soomaaliya, taas oo khatar ku ah qorshihii Nairobi ay carqaladeenta dacwadda badda.

Tan iyo wixii ka dambeyay xilligii dowladdii Cabdi Qaasim Salaad, Soomaaliya wax xiriir toos ah lama yeelan Fransiiskaska. Xilligaas waxuu Cabdi Qaasim isku dayay inuu dib u soo celiyo macaamilkii shirkadda TOTAL ee shidaal baaristii Soomaaliya, taas oo ka careysiisay shirkadaha shidaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska. Dadka qaarkii ayaa aaminsan in dhacdadaas soo dedejisay in Cabdi Qaasim uu seego kursigii madaxtooyadda.

Walow aan la ogeyn, waxa ka dhalan doono isfahamka Fransiiska, haddana Soomaaliya waxaa ka go’an inay dhowrto xiriirka deris wanaaga ee Kenya, si looga hortago xasillooni darro dhalisa isku dhac aan micno ku fadhin.

W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qassim
Jamhuriyadda.com