Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland oo hal sabab darteed u sameystay guddi

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid, ayaa maanta ku dhawaaqay inay sameysteen guddi ka kooban 22-xubnood, kadib markii ay isla maanta kulan yeeshen.

Waddani iyo Ucid, ayaa kulankaasi ay maanta yeeshen waxay ku sameysteen guddi ka soo talo bixiya xaalada cakiran ee ay mareyso Somaliland, kaasi oo ka koobnaa 22-xubnood oo labada xisbi si isleeg u qeybsadeen.

Guddidan ayaa sida ay sheegen waxay noqon doonaan guddi howleed darsa xaalada ay mareyso Somaliland, isla markaana loo xil saaray inay warbixin ka keenan halka ay wax marayaan.

Ismaaciil Aadan Cismaan ‘Ismaaciil Yare’, oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa warbaahinta uga warbixiyey arrimahaasi, wuxuuna yiri “Waxa la isla gartay, oo labada xisbi Mucaarid ay isla garteen in la magacaabo guddi hawleed ka kooban labada xisbi oo labada dhinac ah oo xisbi waliba uu yeelanayo 11 xubnood”.

“Waxayna iyaguna sii yeelanaya laba guddi, oo noqonaysa guddida xisbi walba oo uu hogaaminayo gudoomiyahoodu oo afar ah iyo todoba todoba xubnood oo loo xilsaaray hawl maalmeedka iyo marba xaaladu sida ay tahay inay soo darsaan oo ay warbixin ka keenaan”

Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa xisbi waliba waxa uu yeeshay afar meel ah iyo todoba xubnood 11-kkaa xubnood. Waxaana Guddiyadaasi waxa loogu talo galay inay soo lafaguraan dhibaatada maanta ina saaran ee inagu soo ifbaxday”.

“Taasi oo ay kow ka tahay komishanka Doorashooyinku, oo aad arkaysaan iyadoo aan cidna lagala tashan in la ansixiyey, iyadoo aan cidna lagala tashan in la dhaariyey, isla maantana”.

Xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa iyagu si weyn uga soo horjeeda qaar kamid ah xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka Somaliland, oo uu dhawaan ansixiyey golaha wakiilada Somaliland, iyadoona maanta si rasmiya loo dhaariyey.